Bukaano Ku Sugan Mahadaay oo Maanta Gargaar Caafimaad Loo Fidiyey (Swiro)

Shaqaale Caafimaad oo ka tirsan Hay’ada Intersos ee ka howlgasha magaalada jowhar ayaa gurmad caafimaad maanta u fidiyey bukaano uu soo ritay Cudurka shuban biyoodka.

Dadkan oo labadii Maalmood ee ugu dambeeyey ku xanuunsanayey Degmada Mahadaay ayaa qaarkood laga keenay deegaano hoos yimaada Mahadaay.

Guddoomiyaha degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax ayaa ku booqday xarun caafimaad oo bukaanadan la dhigay halkaas oo ay gargaar caafimaad ka heleen. Xaalada bukaanada ayaa ka soo wanaagsanaanaysa haatan kadib markii koox caafimaad oo ka socota isbitaalka magaalada Jowhar ay gaareen degmada Mahaday.

bukan-mhdy-1

bukan-mhdy-2 bukan-mhdy-4 bukan-mhdy-5 bukan-mhdy-7 bukan-mhdy-8 bukan-mhdy-9 bukan-mhdy-10 bukan-mhdy-11 bukan-mhdy-12 bukan-mhdy-13

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran