Ciidamada Nabad Sugida oo Hub Kasoo qabtay Guri Ku yaala Degmada Hodan

Afahayeenka Wasaarada amniga ee Dowlada fedaraalka Maxamed Yuusuf Cismaan  ayaa waxa ka warbixiyey howlgal Ciidamada Dowlada Maanta ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

Waxa afahayeenku sheegay in guri ku yaala Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir ay kasoo qabteen Hub lagu duugay dhulka hoostiisa.

Afahayeenka waxa uu tilmaamay in Ciidamada amaanka ay ka war heleen xogta hubkaasi oo isugu jiray hub iyo suumanka qoryaha lagu xirto, wuxuu intaasi ku daray in Ninkii guriga lahaa oo Odey ahaa uu isku dayey inuu baxsado hase ahaatee ciidamada amaanka ay gacanta kusoo dhigeen si Ninkaasi odeyga ah Baaris loogu sameeyo.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom ayaa xalay ilaa saake howlgal waxa ay ka wadeen Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE