Dagaal Xoogan oo Ka Socda Inta U dhaxeysa Beledweyne iyo Buulo Burde

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan u dhaxeeya Ciidamada Amisom iyo kuw Dowlada oo isku dhinac ah iyo Dgaalyahaanada shabaab uu ka socdo inta u dhaxeysa Beled Weyne iyo  Buulo burde.

Dagaalka oo sida la sheegay ay ka qayb qaadanayaan diyaarado dagaal ayaa yimid ka dib markii Dagaalyahaanada shabaab ay jidka u galeen Amisom iyo dowlada oo ka baxay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Dagaalyahaanada Shabaab ayaa difaac adag ka galay halka loo yaqaano Nuur fanax islamarkaana ay ka weerareen Ciidamada amisom iyo kuwa dowlada, waxaana lasoo sheegayaa inuu dagaalku xooganyahay.

Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada amisoma yaa lasoo sheegayaa inay ka qayb qaadanayaan dagaalka.

Diyaaradaha ayaa duqeenaya difaacyada Shabaab ay uga jiraan deegaanka Nuur fanax.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran