Kaaba Qabiil C/laahi Khaliif Rooble oo Mar kale Wiilashiisa mooryaanta ah ugu Baaqay inay Sh/hoose ka Dagaalamaan

C/laahi Khaliif Roobe oo sheegta inuu yahay Kaaba qabiilka Beesha Habrgidir ee dhul balaarsiga ka wada Sh/hoose ayaa mar kalea afka furtay isagoo ku baaqaya dagaal hor leh.

Mooryaan C/lahi Khaliif oo wareysi siinayey mid ka mid ah Warbaahinta Muqdishu ee ku hadasha Afka Habar Gidir ayaa qiray in xabad joojintii lagu gaaray Degmada Afgooye ay jabtay.

Wuxuu sheegay in hada shabeelada hoose uu kasoo cusboonaaday beegsiga dad uu ku tilmaamay inay yihiin shacab aan waxba galabsan oo beeshiisa ah “dadka Maalin kasta ay wiilashiisa dilaan ma xisaabsan”.

Khaliif C/hi Roobe ayaa sida muuqata weli aan ka waantoobin hurinta colaada iyo baraarujinta Maleeshiyadooda, wuxuuna ka mid ahaa qab qablayaashii ugu badnaa ee hor istaagi jiray dhaqan galka heshiis kasta oo laga gaaro colaada ay beeshiisa horseedeyso.

Wuxuu daaha ka qaaday inay jiraan dhibaatooyin ka dhaca shabeelad hoose oo sida muuqata uu dusha u saarayo Ciidamada deegaanka oo u diiday arxan laabayaasha wiilashooda inay gumaadaan shacabka.

Wuxuu indhaha ka qarsaday weliba dhegaha ka fureystay baaqyo kala duwan oo horey ay usoo saareen Odayaasha dhaqanka ee Beesha Biimaal oo ka digayey burinta ama hor istaaga heshiiskii afgooye lagu gaaray, ka dib markii wiilasha Khaliif Roobe ay kufsadeen Gabdho deegaanka ah ilaa hadana weli wada dhibaatada shacabka.

Khaliif C/hi Roobe ayaa lagu xusuustaa gacantii uu ku lahaa dagaalada Beeshiisa ay kusoo qaaday Shabeelad hoose isagoo warbaahinta ka amaani jiray Maleeshiyadiisa markay qabsadaan dhul Biimaal uu degenyahay, barakaicinta iyo dhibaatada ay ka geysan jireenna ku tilmaami jiray guul ay soo hoyiyeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE