Kooda Daacish oo Mudo U qabatay Dowlada Masar

Kooxda Daacish qaybta ka dagaakanta Wadanka Masar ayaa soo saaray war ay ugu hanjabayaan inay dili doonaan Muwaadin kuweeshiyaan ah.

Daacish ayaa ku goodisay in 48 saac gudahooda lagu sii daayo dhamaan Dumarka u xiran Masar ee ku jira Xabsiyadeeda.

Waxay ku hanjabeen hadii lasii deyn waayo Gabdhahaasi inay dili doonaan Muwaadin u dhashay koroweshiya oo u shaqeenayey shirkada lagu magacaabo CGG oo laga leeyahay Faransiiska oo dhawaan laga afduubtay Masar.

Muuqaal kooban oo ay sii deysay Daacish garabka Siinaay ayaa waxa kasoo muuqday muwaadinkan oo codsanaya in la badbaadiyo noloshiisa islamarkaana lasii daayo maxaabiista ay codsadeen Daacish.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran