Maamulka Degmada Afgooye oo Burburiyey Goobo Ganacsi oo Sharci Daro ku Dhisnaa

Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa burburiyey goobo ganacsi oo ku yaalay hareeraha wadooyinka.

Goobaha la bur buriyey ayaa lagu tilmaamay kuwo sharci dara ah islamarkaana qarinayey bilicda Degmada.

Xogayaha Maamulka Degmada Afgooye oo warbaahinta kula hadlay bartamaha Suuqa ayaa sheegay in horey ay usoo saareen digniino ku aadan in laga guuro goobaha sida sharci darada ah ku dhisan, isagoo intaasi raaciyey in ganacsatada qaarkood ay amarkaasi qaadatay halka qaarka ka dhega adeegayna ay ka dudumiyeen goobihii sida sharci darada ay u heysteen.

Degmada Afgooye oo ay saldhigteen Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur galbeed ayaa waxa ka jira Mashquul ganacsi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran