Marakab uu ka taaganyahay Calanka Kuuriyada Waqooyi oo kuso Caariyey Xeebaha Puntland

Markab Kaluumeysi oo laga leeyahay wadanka Yaman ayaa kusoo caariyey Xeebaha Degmada Eyl ee dhulka Maamulka Puntland.

Markabkan oo lagu magacaabo al amal ayaa la aaminsanyahay inuu cilideysanyahay kaas oo uu ka babanayo Calanka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa saaran shaqaale gaaraya 33 ruux oo haatan ku duruufeysan Markabka Dushiisa.

Taliyaha Ciidamada badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Faarax Diiriye ayaa warbaahinta u xaqiijiyey jiritaanka warka Markabkan, Taliyaha wuxuu sheegay in markabkan uu si sharci daro ah u uga kaluumaysan jiray xeebaha Puntland.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE