Qarax Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Masaajid Ku Yaalo Koonfurta Dalka Sacuudiga

Wararka laga helaayo dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen qarax lala beegsaday dad ku dukanaayey masaajid ku yaalla magaalada Abha ee Koonfurta Sucuudiga.

Telefishanka dalka Sucuudiga oo baahinaayey dhacdadan ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday Masaajid u dhowaa saldhigga ciidmada hawlgaladda deg degga ah ee booliska Suuudiga.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa 10 askari oo ka tirsan ciidmada ammaanka sucuudiga oo salaadii duhur ku tukanayay masaajidka.

Bishii la soo dhaafay ee May ayaa laba qaraxtaano ahaa lala beegsaday masaajid ay ay ku cibaadeystaan dadka shiicada ah qaraxaas oo ay sheegatay Daacish.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE