Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Dowlada Oo Isku Dhiibay Xafiiska Qaramada Midoobe ee Muqdisho

Cismaan Cilmi Guure (cukaash) oo ka mid ahaa Saraakiish Ciidamada Dowlada oo In muda ah ku xirnaa xabsi ku yaala Muqdisho ayaa iska dhiibay Xafiiska Ergeyga Qarmada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Cukaash ayaa xabsiga la dhigay Bsihii Oktoobar ee sanadkii hore ka dib markii uu tiriyey gabay uu kaga cabanayey Taliyaha Ciidamada Qabiilka qalabka Sida Indha qarshe, waxaana lasii daayey sanadkan bartamihiasa.

Sarkaalka ayaa sheegay in uu u baqay noloshiisa ka dib markii ay soo baxeen hanjabaado iyo digniino ku aadan in la dili doono.

Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ee ku dhex yaala Gudaha Garoonka Aadan Cadde ayaa lagu soo dhaweeyey wuxuuna ka codsaday in magangalyo lasiiyo.

Shacabka ku dhaqan Deegaanada Buufow Baacad iyo Janaale ayaa si aad ah u yaqaana sarkaalkan oo horjooge u ahaa Maleeshiyaad fariisin ku lahaa Buufow Baacd iyo Janaale.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran