Maxay Xambaarsaneyd Fariinta uu Dirayey Kaaba qabiil C/hi Khaliif Rooble

Warbaahinta gudaha gaar ahaan kuwa ku hadla afka Beesha Habar gidir ayaa buun buuninayey Wereysi uu siiyey Kaaba qabiil C/hi Khaliif Rooble.

Markay dhacayaan Dagaalo amaba uu jiro hub u rursi beesha habar gidir ay wado waxaa lasoo hormariyaa Odayaal qab qablayaal ah oo Warbaahinta ka iclaamiya Dagaal iyo kuwo ugu baaqa wiilashooda Mooryaanta ah inay ku dhiiradaan qabsashada Umad nool oo aan cidna duulaan ku ahayn.

Waxaa jira warbaahinno u heelan ka qayb qaadashada duulaanadaas door fir fircoona ka qaata in si sahlan ay u hirgalaan duulaanada ay iclaaminayaan kaaba qabiilada.

Waxaa weli xusuusta reer shabeelada hoose aan ka go’in codadka weli ku keydsan Markanews.net iyo warbaahinada la midka ah ee ay ku hadaaqayeen qab qablayaal uu ka midyahay C/hi Khaliif Rooble.

Khaliif Rooble oo saacado ka hor warbaahinta la hadlay ayaa ku goodiyey inuu dagaal dhici doono weliba Mooryaantiisa ay ka baaqsan doonin inay qabsadaan dhul ay duulaan ku yihiin 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Hadalkaas uu warbaahinta ka sheegay durba waxa uu noqday mid feejignaan iyo tuhun ku beera Saraakiisha Ciidanka deegaanka oo Maleeshiyada C/hi Rooble u diiday inay dhibaateeyaan Shacabka deegaanka ah ama ay gumeystaan.

“Heshiiskii waa buray horey hal beel ayaa u dhaqan gelisay hadana beeshii dhaqan gelisay waa ay ka baxday dagaal inuu dhaco laga baaqsan maa”ayuu warbaahinta ku hadashada afkooda ka yiri c/hi Rooble.

Waa runtiis weliba anaa ku raacaya in halbeel kaliya ay heshiiska fulisay beesha kale xageedana uu ka dhaqan gali waayey weliba ay ku adkeysatay go’aanadii hore ee ahaa in heshiis la gaaro barta lagu gaareyna aan laga qaadin.

Markii lagu soo kala tagay Afgooye lana sugayey dhaqan galka heshiiska Maalintii la saxiixay mudo ku siman 20 Maalmood ilaa 7 dhacdo oo isugu jira dilal iyo kufsi ayaa Maleeshiyada hoos tagta Kaaba Mooryaan Cabdul ay ka geysteen duleedka Marka.

Ma jirin cid wax isku raacatay ama isaga timid waayo waxa la ogaa in Mooryaanta Cabdul iyo Chi Khaliif Roobe ay lahayn mabda’ay ku qaataan heshiis ay la galeen odayaasha deegaanka, bal waxaa jiray hadalo warbaahinta ay siiyeen Odayaasha Beesha Biimaal oo ka digayey in la buriyo heshiiskii Afgooye dheg looma dhigin lagamana soo jawaabin hadalo loo diray Kaaba mooryaanta qaarkood.

Hogaanka Ciidanka deegaanka ayaa si cad ah u sheegay inaanu jirin wax heshiis ah oo dhexyaala Dadka deegaanka iyo Habar Gidir marba hadii ay geysteen dilal iyo kufsi waqti kasta deegaanka oo wada jirana uu diyaar u yahay inuu iska dhiciyo Mooryaanta lasoo qalday.

Hadaba su’aalaha lays weydiin karo ayaa waxa ka mid ah Biimaal iyo Habar gidir waxaan Isdil ahayn maa ka dhaxeeya mise deresnimo iyo walaalnimo oo soo jireen ah ayaa ka dhaxeysa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE