Odayaal iyo Waxgarad ku Baaqay in Lasii Daayo Nabadoon Maxamed Abukar Tima Guduud

Waxgarad,Aqoonyahaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka ayaa ugu baaqay Dowlada fedaraalka ah inay sii deyso Nabadoon Maxamed Abuukar Tima guduud.

Waxay sheegeen in Nabadoonka loo saarinayo dambi aan isaga gelin islamarkaana aan la ogeyn waxa lagu maagay oo lagu xiray.

Nabadoon Tima guduud ayaa Maalintii lexaad ku jira xabsi ku yaala Muqdisho welina lama cadeynin sababta uu u xiranyahay iyo cida xiratay.

Odayaal iyo siyaasiyiin ku booqday Xabsi ku yaala Madaxtooyada ayaa saraakiil ka tirsan Hay’ada nabad sugida halkaasi kula soo kulmaya ayaa u sheegay inay jiraan tuhumo loo heysto Odeyga islamarkaana uu ku socdo baaritaan.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha booqday ayaa siday inoo sheegeen weydiiyey Saraakiisha nabad sugida inay u sheegaan tuhuumada uu ku xiranyahay nabadoonkooda, saraakiisha ayaana ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan sababta uu u xiranyahay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran