Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobolka Hiiraan oo Guulo Ka sheegtay Dagaal Ka Dhacay Gobolkaasi

Saraakiisha Ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan ayaa guulo ka sheegtay dagaal xoogan oo shalay ka dhacay deegaanka Nuur Fanx oo qiyaastii 45 km u jira Bledweyne.

Saraakiisha ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanka oo in muda ah ay maamulayeen shabaab oo ka go’doomiyey Beledweyne.

Abaan duulaha Ciidamada Milateriga ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cumar Cabdulle ayaa tilmaamay in khasaare xoogan ay u geysteen dhinacii kasoo horjeeday ee ay kula dagaalameen Deegaanka Nuur Fanax.

Inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Buulo Burde oo ka wadatirsan Hiiraan ayaa shalay waxa ka dhacay Dagaal xoogan oo ay ka qayb qaateen diyaarado dagaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran