Wararkii ugu dambeeyey Dagaal Galabta ka Dahacay Qaybo ka mid ah Magaalada Marka.

Dagaal xoogan oo waqti kooban qaatay ayaa galabta ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamo deegaanka ah iyo Maleeshiyo ku sugnaa Xarunta Hay’ad beeleeda Swiss kalmo ayaa yimid ka dib markii Mid ka mid ah Maleeshiyada Ku go’doonsan Xaruntaasi lagu dilay dhabarka dambe ee Dhismaha.

Waxaa sidaa ku bilowday dagaal xoogan iyadoo Ciidamadii deegaanka iyo Maleeshiyada Swiss soo kala gaaray gurmad xoogan.

Xabad xoogan ayaa ka dhacday inta u dhaxeysa Masjidka Abaa hureyra iyo Kawaanka Buufow oo ka tirsan Xaafada Buulo jaan ee Koonfurta Magaalada Marka.

Inkastoo aan la ogaan Karin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay ayaa hadana lasoo sheegayaa dhimasho iyo dhaawac  soo gaaray Maleeshiyada Kaaba Mooryaan Cali Cilmi.

Xaalada ayaa hada u muuqata mid degen iyadoo maleeshiyada Swiss ay awoodi waayeen inay dibada usoo baxaan ama ay xaafadaha soo galaan.

Ma jiro siday wararku sheegayaan wax khasaara ah oo soo garay Ciidamada deegaanka oo galabta is hortaagay Maleeshiyada .

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa sheegay in dhawaan ay soo saari doonaan warbixino ku aadan dagaalkii galabta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE