Basaas u Shaqeenayey Hay’ada FBI-da Mareekanka oo Dacwada Lagu Soo Oogey

Qareeno u doodaya Dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran Mareekanka ayaa soo bandhigay dacwad ka dhan ah Mid ka mid ah dadka u shaqeeya hay’ada dambi baarista Mareekanka

Ninkan ka tirsan dambi baarista ayaa lagu eedeeyey inuu basaasay dhalanyarada Xiran islamarkaan FBi-da uu ka qaatay lacag gaareysa $41,000 kaaso oo balan qaad uu horey u galay ku sheegay inuu soo gudbin doono shakhsi kasta oo looga shakisanyahay arimaha xagjirnimda.

Dhalinyarada xiran ayaa lagu eedeeyey inay doonayeen ku biirista kooxda Daacish, waxaana la qabtay bishii apriil ee sanadkan waxaana lagu xiray gobalada Minnesota iyo California.

Cajalado si qarsoodi uu uga duubay ninkan oo soomaali ah islamarkaana ay saaxibo ahaayeen dhalanyarada ayaa u gudbiyey FBI-da Mareekanka, mana jiraan cadeymo kale oo rasmi ah oo muujinaya tuhunka ragan lagu heysto.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran