Ciidmada Itoobiya oo Dib Xuriyadiisa u Siiyey Wasiir Ka Tirsanaa Maamulka Jubba

Wasiirka Caafimaadka ee Maamulka Jubba Col Xasan Daahir Yarrow Xasan Dheere ayaa dib u helay xuriyadiisa ka dib markii shalay lagu xiray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa la xiray ka dib markii uu ka horyimid sida la sheegay xil ka qaadis lagu sameeyey Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Maxamed Cabdi kaliil, Wasiirka ayaa ku doodayey in Axmed Madoobe aanu xil ka qaadi karin Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Wasiirka Caafimaadka Xasan dheere ayaa warbaahinta ka sheegay in xil ka qaadista Kaliil ay tahay mid lagu carqaladeenayo heshiiskii Doolow lagu gaaray islamarkaana lagu soo afjarayey khilaafka Maamulka jubba iyo siyaasiyiinta Gobolka Gedo.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE