Dowlada Mareekanka oo Heshiis Lagu Taageerayo Boliiska Lagashay Dowlada Soomaaliya(Sawiro)

Dowlada Mareekanka ayaa heshiis dhanka hormarinta Boliiska ah la gashaya Dowlada fedaraalka ee Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa heshiiska waxa u saxiixay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada fedaraalka ah Maxamed Aadan Farkeeti oo uu wehliyo Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sh Xaamud, halka Dowlada Mareekanka uu saxiixay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Fadhiya Soomaaliya James P, McAnulty.

Hay’adda Mareykanka ee loo yaqaan Bureau of International Narcotics and Law Enforcement Affairs ayaa bixineysa deeqdan labada Dowladood oo iska kaashanaya arimo kala duwan oo xaga amaanka ah.

Heshiiskan ayaa waxa qayb ka ah in Dowlada Mareekanka ay tababar siiso Ciidamada Boliiska Soomaaliya, dhaqangelinta shaqada iyo nidaamka iyadoona taageero gooni ah la siinaayo waaxda dambi baarista.

Heshiis1

Heshiis2

Heshiis

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE