Gudoomiye Xasan Cumarey Iyo Maamulkiisa Oo Siminaar Lagu Barayay Nabad-kuwanoolaanshaha Beelaha Loogu soo Gabagabeeyay Muqdisho

Hay’ad beeleeda lagu magacaabo Tubta Nabada oo ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya danaha kaaba mooriyaanta dhibaatada ka wada Sh.Hoose ayaa shalay magaalada Muqdisho ugu qabatay siminaar maamulka cusub ee degmada Marka oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha cusub ee Degmada Xasan Cumarey iyo odayaal ka soo jeeda gobolka Sh.Hoose.

Hay’ad beeleedka ayaa waxaa madax u ah nin lagu magacaabo Shirwac, waxa ayna mashaariic ay ku sheegeyso in ay beelaha ku heshiineyso ka soo qaadata hay’ado caalami ah laakiin waxa ay safka hore kaga jirtaa kuwa lacagaha iyo tasiilaadka kaleba ku taageera maleeshiya beeleedka duulaanka ku ah gobolka.

Haddaba, anaga oo ka duuleyna inaan u soo gudbino akhristayaasheena arimaha quseeya gobolka Sh.Hoose ee qolalka mugdiga ah ka dhacaya ayaa waxaan idin soo gudbineynaa sida uu u dhacay siminaarkaas oyo hadaladii laga jeediyay, walow uu ahaa mid aan saxaafadda loo ogoleyn laakiin aan ka soo xiganay joobjooge ku sugnaa madasha Siminaar ku sheega.

Siminaarkan ayaa dadkii ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa gudoomiye Degmada Marka Xasan Cumarey, nabadoon Maxamed Cumar Fanax, Nabadoon Kuule,nabadoon Xasan Cali iyo ninka ku magacaaban xoghayaha dowladda Hoose ee degmada Marka Mahad.

Siminaarkan oo lagu sheegay in uu yahay mid maamulka cusub lagu barayo wada-noolaanshaha beelaha iyo sida maamulka degmada Marka uga qeyb-qaadan lahaa sidii labada beeleed nabad ugu wada noolaan lahayeen ayaa haddaladii halkaas uu ka jeediyay Shirwac waxaa ka mid ahaa” waa in labada beeleed ee biimaal iyo Habargidir ee deriska ah in ay naabad ku wada noolaadaan, si wadajir ahna uga shaqeeyaan sidii maamulka cusub ee degmada Marka uu uga shaqa bilaabi lahaa degmada Marka.

Shirwac ayaa sidoo kale nasiib daro ku tilmaamay in maamulka cusub ee degmada Marka uusan ilaa hadda degmada ka howl bilaabin, uguna baaqay ka soo qeyb galayaasha in ay ka shaqeeyaan in maamulka uu tago magaalada Marka.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Marka Xasan Cumarey oo madasha siminaarka ka hadlay ayaa isagana u mahadnaqay Madaxda hay’adda Tubta Nabada, waxa uuna sheegay in asiga ka gudoomiye ahaan uu ka shaqeyn doono in labada beel ay nabad ugu wada noolaan degmada uu madaxda ka yahay, waxa uuna ka cawday in maamulka koonfur galbeed ee uu maamulkiisa hoos yimaado uu ka gaabiyay sidii maamulka degmada Marka uga howl geli lahaa.

Hay,adda Tubta Nabadda ayaa horey shirar ay ku sheegayaan dib u heshiisiin u qabtay odayaal ka soo jeeda beelaha ku dagaalamay Sh.Hoose laakiin dhamaantood waxa ay ku dhamaadeen fashil. Dhanka kale qaar ka mid ah waxgaradka Sh.Hoose oo ay la xiriirtay Markanews ayaa ku tilmaamay mid sharaf dhac ah in gudoomiyaha degmada Marka uu ka qeyb galo saminaar hay’ad beeleed lacag ku raadsaneyso oo lagu sheegayo in lagu barayo asiga iyo maamulkiisa nabad ku wada noolaanshaha beelaha!.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE