Maalinta Naas nuujinta oo Maanta Laga Xusay Magaalada Baydhabo

Munaasabada ballaaran oo ay ka qayb galeen Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur galbeed, Maamulka Gobolka Baay iyo Kan Degmada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Baydhaba.

Munaasabada ayaa lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Naas Nuujinta taas oo si weyn looga xusay Baydhaba.

“Ilmaha Naaska Hooyada Nuugaa wuu ka caafimaad badan yahay ilmaha kale, waxaanay bulshada iyo Hooyooyinkaba loo jeediyay inay ku dadaalaan sidii ilmaha Naaska u Nuujin lahaayeen” Sidaa waxaa yiri qaar kamid ah Mas’uuliyiintii ka qeybgalay Munaasabada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran