Magaalada Marka oo Saaka ku Waa Bariisatay Xaalad Kacsanaan ah

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa saake laga dareemayaa jawi coleedeed oo magaalada ay ku waa Bariisatay.

Dhaqdhaqaaq Ciidan ayaa waxa uu ka jiraa eeriyada Xaruntii Hay’ad beeleeda Swiss Kalmo ee uu haysto Kaaba Mooryaan Cali Cilmi halkaasi oo laysugu keenay inta badan maleeshiyaadkii gabaadsanayey dhismayaashii Cosve iyo Xaruntii Maleeshiyada ee agagaarka wajeer ama gurigii ku agyiilay Xarunta Bisha Cas.

Maleeshiyada ayaa doonaya inay difaacdaan Hay’ad ku sheega Swiss Kalmo oo tacadiyada ay ka geysaneyo Magaalada Marka ay noqdeen kuwo joogta ah.

Waxaa muuqato ciidan gurmad u ah kuwa deegaanka oo lasoo sheegayo inay gaareen Magaalada Marka si ay u xoojiyaan dagaalyahaanada deegaanka.

Weli ma jiro war kasoo baxay taliska Ciidanka deegaanka ee Marka ku sugan si ay tafaasiil uga bixiyaan xiisadaha dagaal ee Magaalada kasoo cusboonaaday.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE