Shir Looga Arinsanayo Dhisida Maamulka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo Ka Furmay Muqdisho

Shir looga arinsanayo Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabelada dhexe ayaa goordhow waxa ka furmay Magaalada Muqdisho, shirka ayaa looga arinsanayaa sida loo wajahayo Maamulka ay yeelanayaan labada gobol ee hada ka haray Gobalada kale ee Dalka oo dhamaantooda yeeshay Maamul Goboleedyo.

Sida aan wararka ku helnay waxa shirka goob joog ah Madaxda Dalka, Wasiiro, Xillibaano kasoo kala jeeda Labada Gobol ee Maamulka loo dhisayo iyo Maamulada Goboladan.

Shirka oo hada ka furmay Villa Hargeysa ayaa lagu wadaa in lagu dejiyo qorshaha Maamulka iyo sidii loo sameen lahaa Gudiga Farsamada ee Maamulka dhisaya iyo goobta lagu dhisayo Maamulka.

Qorshaha socda ayaa ah inta lagu guda jiro Sanadkan in lasoo gaba gabeeyo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelad dhexe oo arintooda loo xilsaaray Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo Fedaraalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE