Akhri Qodobadii Laga Soo Saaray Shirkii Maamulada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe

Shir Maalintii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho islamarkaana looga arinsanayey Maamul u sameenta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaa laga soo saaray qodobo kala duwan.

1-in la dhiso maamul ay yeeshaan Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

2: In dhismaha maamulka ay ka qayb qaataan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

3: In laqabto shirweyne ay u dhanyihiin dhammaan beelaha deggan gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe si loo dhiso maamul goboleed ka kooban labadaas gobol

4: In la dhiso guddi farsamo oo ka kooban 31 Xunood oo ka socda dhammaan beelaha dega Goboladaas. Gudigaas farsamo waxaa lagusoo magacaabaya muddo 14 casho gudohood ah oo ka bilaabaneysa marka lasaxiixo heshiiskan.

5: Maamulka la dhisayo isagoo metelaaya dhammaan beelaha dega labadaas Gobol wuxuu u howl gelayaa si wada jir ah in loola dagaalamo nabad-diika, goboladaasna lagusoo dabaalo nabad iyo xasilooni.

6: Geedi socodka dhismaha maamulka waxaa lagu dhamestirayaa muddo ku siman 60 maalmood gudahood, waxaana fududeynaya xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

7: xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta, meel marinta, taaba gelinta hishiiska iyo bixinta wixi tasiilaad ah.

8: Shaqada iyo waajibaadka guddiga farsamada waxaa soo diyaarinaya xukuumadda Federaaka Soomaaliya, kuna soo celineysa saxiiixayaasha.

9: Cid alla iyo ciddii carqaladeysa hannaanka geedi socodkan waxaa loo aqoonsanayaa qas wade, waxaana laga qaadi doona tallaabada ku haboon.

10: Hishiiskan waxaa si wada jir ah u saxiixaya Guddoomiye yaasha labda Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo 11-ka Wasiir ee ka soo jeeda labadaas gobol.

11: Saxiixayaasha heshiiskan xirriir lama laha, habka awood qeybsigu noqon doono.

12.Hishiiskan wuxuu dhaqan gelayaa laga bilaabo maalinta la saxiixo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE