Calooshiisa Ushaqeyste C/hi Gerweyne oo Ka Soo Baxsaday Magaalada Marka

Calooshiisa u shaqaystihii Isbitaalka Marka uga wakiilka ahaa Hay’ad Beeleeda Swiss Kalmo C/hi Gerweyne ayaa shalay si kedis ah uga baxsaday Magaalada Marka ka dib markii loogu hanjabay dil.

C/hi Gerweyne oo horey uga mid ahaa shakhsiyaadkii Kaaba Mooryaan Maxamed Daahir u adeegsanjiray lunsashada iyo ku tagri falka dhaqaalaha shaqaalaha isbitaalka ayaa mar kale ka mid noqday shakhsiyaadka hay’ada Swiss u qaabilsan dhibaateenta shaqaalaha.

Maalintii shalay ayaa siday soo sheegayaan Shaqaalaha isbitaalka waxa Magaalada kasoo kicitimay C/hi Gerweyne oo lasoo baxsaday nafsadiisa ka dib markii Mooryaanta isbitaalka xooga ku joogta ay ugu hanjabeen inay dilayaan.

Sababaha keenay in dil loogu hanjabo ayaa ka dambeysay dhaawac ku waxyeeloobay dagaalkii maalin seddaxaad ka dhacay meel ku dhow xarunta hay’ad beeleeda  Swiss kalmo kuwaas oo la geeyey isbitaalka sidaana loo waayey cid qaabisha xilli rag uu ka mid ahaa c/hi ay ka baxsadeen isbitaalka markii ay maqleen in maleeshiyada isbitaalka joogta ay kusoo jabeen dagaal ay la galeen ciidamda deegaanka.

Mooryaanta dhaawacantay ayaa kuwii meesha geeyey ay taleefano u direen C/hi si uu u  siiyo dhiig joojin ama loo qaabilo baqdin uu ka qabay darteed ayuu taleefanka u dansaday.

Shalay aroortii ayuu soo xaadiray shaqada Isbitaalka waxaana ku sigtay in uu dilo Mooryaan la dhashay C/hi xaaji (C/hi ciro) oo ka mid ahaa mooryaantii maalin seddaxaad sida xun ugu dhawacantay dagaalkii dhacay.

Mooryaankaas ayaa si diqri ah looga celiyey inuu waxyeeleeyo calooshiisa u shaqeyste C/hi gerweyne, safar aan qorshaha ku jirin ayuu ninkan kusoo aaday Muqdisho isagoo Mobilka gacanta ugu sheegay shaqaalaha isbitaalka inuu baxsad yahay oo uu kasoo tagay Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE