Daqiiqadihii Ugu dambeeyey ee Nabadoon Tima guduud cida uu La joogay iyo Sababta uu U xiranyahay (Warbixin)

Nabadoon Maxamed Abuukar Tima Guduud oo ah Nabadoonka Beesha Biimaal ayaa Maalintii todobaad ku jira Xabsi ku yaala Madaxtooyada Muqdisho ka dib markii 2-dii bishan laga qabtay meel ku dhow Saldhiga Degmada Waaberi ee Muqdisho.

Sababta uu u xiranyahay Nabadoonka ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayeen iyadoo lagu eedeenayey arimo markaasi si cad ah loo qeexin balse ay jireen tuhunno kala duwan oo soo baxayey islamarkaana ku aadanaa qaabka uu u dhacay xariga, cida ka dambeysay ama ku lugta lahayd.

Nabadoon Tima guduud ayaa Maalinta xarigiisa ka hor ku mashquulsanaa shirar kala duwan oo kasocday Degamada Nambar 50, ujeedooyin kala duwan ayey shirarkaasi lahaayeen, waxa laga xusi karaa in dadka deegaanka uu ka dhaadhicinayo inay aayahooda ka tashtaan ayna noqdaan dad iyaga lasoo weydiisto waxa ay diidayaan ama ay ogolaanayaan.

Shirarkaas ka dhacayey Nambar 50 waxa ku wehlinayey Ugaaska guud ee Beesha Biimaal iyo odayaal kale oo qaarkood ay kasoo kicitimeen Jubbooyinka, ujeedkooduna ahaa inay ka qayb qaataan shirarka aaya ka talinta deegaanka.

Sida Muuqata waxa jira dhaq dhaqaaq kasta oo la sameeyo ayaa u kala qaybsan laba qaybood oo kala ah dad uu dhibo dhaq dhaqaaqaas iyo dad ku farxa.

Maahan wax aan qarineeno in Tima guduud xilli uu ka shaqeenayey sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen Biimaal iyo Habar gidir weliba uu hor boodayey shirar kala duwan oo horey u qabsoomay hadana Nabadoonka ayaa markan qaatay door ah in dadka deegaanka rabitaankooda uu shaqeenayo wax kale hadii lagu daalana aanay noqon Karin kuwo miradhala.

Shirarka Nambar iyo kuwo kale oo qaarkood ay qabsoomeen ayaa ku balansanaa Deegaanka Hareeraley oo weligeed ahaan jirtay halka laga maamulo dhaqanka deegaanka iyo meesha ay ku Midoobaan Waxgaradka Beesha Biimaal, laguna gorfeeyo talada Deegaanka.

Shirarkaas sida Muuqata Odayaasha Muqdisho ee inqilaabay siyaasada,dhaqanka iyo rabitaanka deegaanaka ayaa u arkay kuwo caqabad ku ah howlahooda soo jiitamayey shantii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa jiray baaqyo loo jeediyey iyo shirar loo qabtay Nabadoon Tima guduud waxa loo soo jeedinayey in arimaha uu wado ay yihiin wax wanaagsan hase ahaatee laga doonayo inay wax ka ogaadaan Suldaanada iyo kooxha Hoteelada isku magacaabay.

Intaan la qabanin Tima guduud waxa taleefan ku wacay Macallin Barre Wasiirka Diinta iyo awqaafta ee Maamulka Koonfur galbeed oo ku sugnaa Hotel Wardheer ee Muqdisho.

Markii meesha uu soo gaaray Macalinka waa uu ka maqnaa, isgana markiisa taleefan ayuu ku wacay si uu ugu sheego inuu meesha joogo diyaarna uu ugu yahay lakulankiisa.

Wax yar ka dib waxa yimid Wasiirka Diinta iyo awqaafta, intuu gees ula baxay ayuu ku yiri Maalmahan waan ku waayey inaan ku arko oo aan iswareysano ayaan rabay kaliya.

Sidaan ku baahinay wararkeeni hore Nabadoonka ayaa ku andoocooday inuu Wiil ka xanuunsanaa markii uu soo wacayeyna uu joogay Isbitaal Daaru shifa, wicitaanka Wasiirkiis darteed uu uga soo haray Xaaskiisa oo Cunuga Xanuunsan u qaaday Xaafadiisa, islamarkaana aan waxba loo sheegfin kaliya loogu koobay inaan ku arko ayaan rabay.

Maxamed Abuukar Tima guduud ayaa markaasi isagoo ka qoomameenaya wqtiga kooban ee ka lumay ayaa si deg deg ah gaari uga raacay kasoo horjeedka Hotel Wardheer markii uu gaaray Saldhiga Waaberi lagala degay gaariga.

Odayaal iyo waxgarad ku booqday Xabsiga ayuu u sheegay in marka uu banaanka yimaado uu ka hadli doono arimaha xarigiisa, su’aalaha la weydiiyey iyo cadeymaha uu u haayo tuhunka ay dadka qabaan.

Saraakiil ka tirsan Nabad sugida oo ay la kulmeen Waxgaradka Xabsiga ku booqday Nabadoonka ayaa u sheegay in aan loo haysan arimo amaan balse ay jiraan khilaafaad ay cadeynin waxa uu yahay iyo inuu u xiranyahay shakhsiyaad isga ay wax kala dhaxeeyaan.

Warjiraaba Cakaaruu Imaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran