Faafaahino Kasoo Baxaya Dil Gobolka Hiiraan Loogu Geystay Odayaal Dhaqameed

Wararka ka imaanaya Deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Galguduud ayaa Maamlitii shalay ahayd waxa lagu rasaaseeyey gaari ay saarnaayeen Odayaal dhaqameed.

Gaariga oo ahaa gaari Homey ah ayaa waxa saarnaa Odyaal gaaraya ilaa 12 oday,waxaana rasaastaas ku geeriyoodey Lex ka mid ah halka ay ku dhaawacmeen ilaa 4 kale oo gaariga saarnaa.

Odayaasha oo kusii jeeday deegaan Tacsi ay ka jirtay ayaa noqday kuwo dhinta iyo kuwa dhaawacma, waxaana rasaastaas ku furay Ciidamada itoobiya ee halkaasi fariisinka ku lahaa.

Gudoomiyaha Deegaanka Halgan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhacdada lagu dilay Odayaasha ay u dhacday si kedis ah ama aan ku talagal ahayn.

Odayaasha ayuu sheegay inay kasoo kicitimeen Magaalada Beledweyne ayna marayeen wado qarda jeex ah oo ay difaac ku lahaayeen Ciidamada Amisom taasna ay keentay isfahanwaa darawalka iyo Ciidamada dhexmaray ay ku timid in rasaas lagu furo.

Dawalka gaariga caasiga waday ayuu sheegay in lagu amray inuu joojiyo gaariga hase ahaatee uu ka qaaday qal qal uu isku dayey inuu gaariga kala fireeyo taana ay keentay in la rasaaseeyo.

Gudoomiayah Deegaanka Halgan Mustaf Xerow Nuur ayaa intaas hadalkiisa ku daray in la xiray tiro ka mid ah askartii askartii Amisom ee itoobiya ee rasaasta ku furay gaariga ay odayaasha saarnaayeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran