Gudoonka Baarlamaanka oo Maanta U yeeray Wsiirka Wsiirka Waxbarashada

Waxaa Maanta lagu wadaa in Baarlamaanka ay hortagto Wasiirada Waxbarasaha Xukuumada Fedaraalka Khadro Bashiir Cali.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa codsaday in Wasiiradu ay hortimaado baarlamaanka si wax loogu weydiiyo howlaha Wasaarada Waxbarashada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari ayaa dhawaan kulan u socday Baarlamaanka ka horsheegay inay gaabis tahay wasaarada Waxbarasaha ee Xukuumada Soomaaliya.

Mahada Cabdalla  Cawad gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa u yeeray Wasiirada si loo weydiiyo su’aalo ay qabaan xubnaha baarlamaanka oo ku aadan turxaan bixinta howlaha wasaaradeeda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE