Nabadoon Kuule “Anaga iyo Habar Gidir Cida heshiiska burisay waa la ogyahay ma qarsoona”

Nabadoon Kuule Abiikar Muudey oo ka mid ah Nabadoonada Beesha Biimaal ayaa waxa uu ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeerey Kaaba qabiilka Habar giidr C/hi Khaliif Rooble oo sheegay in heshiiskii afgooye ay jabisay beesha kasoo horjeeda (Biimaal).

Nabadoon Kuule ayaa sheegay inay daah saarneen cida heshiiska ka baxday oo dhibaatooyin deegaanka ka geysatay welina ku hamineysa dhibaateenta Shacabka deegaanka.

Wuxuu ugu baaqay Kaaba qabiilada weli warbaahinta ka hurinaya colaada inay ka waan toobaan oo ay ku kadsoomin in deegaanka dadka ku nool colaad loogu baaqo.

“Cid heshiiska jabisay waa la ogyahaa, anaga iyo habar gidir musqul kuma heshiin meel faxshar ah ayaan heshiis ku saxiixnay hada cida heshiiska ka baxday waa la ogyahay” ayuu yiri Nabadoon Kuule Abiikar Muudey.

Nabadoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale ugu baaqay shacabka Ku dhaqan Shabeelada hoose inay ka shaqeeyaan horumarka ayna ay ka fogaadaan falal dib ugu celin kara dhibaatooyinka lasoo maray.

Hadalka kasoo yeerey Nabadoon Kuule Abiikar Muudey ayaa imaanaya xilli Maalmahan warbaahinta ku hadasha afka Habar gidir ay sii buun buunineysay Kaaba qabiil C/hi Khaliif Roobe oo ku hadaaqayey in heshiiskii afgooye la buriyey isagoo dhegaha ka fureystay in heshiiskaas wiilashiisa mooryaanta ah ay diideen inuu dhaqan galo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran