Calawiyiinta Siiriya oo Ku Mudaaharaaday Madaxweyne Bishaar Al-asad

Mudaaharaad looga soo horjeedo Xukuumada Siiriya ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Latakiya ee xarunta u ah Calawiyiinta Siiriya kasoo jeeda.

Mudaaharaadkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Wiil uu adeer u yahay Madaxweynaha talada haaya Bishaar Al-asad oo lagu magacaabo Suleymaan Alsad maalinnimadii Jimcaha uu magaaladaasi ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nidaamka Bishaar.

Dilka sarkaalka ayaa yimid xilli Wiilka uu adeerka u yahay Bishaar oo gaari ku dhex wata magaalada gudaheeda uu ka horymid sarkaalka la dilay islamarkaana uu ku horgooyey gaari kale, waxaana markaas isagoo careysan gaariga kasoo degtay Suleymaan Alasad wuxuuna la dhacay ilaa 7 xabood.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabaa Col.Xasan Alsheekh, waana markii ugu horeysay oo calawiyiinta siiriya ay ku mudaaharaadaan madaxweynaha Siiriya oo inta badan ay difaaci jiree.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran