Dagaalyahaano Shabaab ah Oo Weerar ku qaaday Xabsiga Beledweyne.

Dagaalyahano ka tirsan Xarakada shabaab ayaa xalay weerar gaadma ah waxay ku qaadeen Xabsiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaal Mudo socday ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ilaala ka ahaa Xabsiga iyo Shabaabka weerarka ku ahaa Xabsiga Beledweyne.

Maxamed Nuur Cadaay oo ka mid ah Saraaskiisha Ciidamada Dowlada ee Hiiraan ku sugan ayaa sheehay inay iska difaaceen Dagaalyahaanada shabaab.

Inta uu socday dagaalk ayaa waxa halkaasi soo gaaray Ciidamo Ka tirsan Dowlada iyo kuwa amisom oo usoo gurmaday kuwa lagu weeraray xabsiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran