Dhismaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo Loo Fadhiyo iyo Damaca Waalan ee Shariif Xasan

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay islamarkaana xarun kumeel gaar u ah Maamulka Koonfur galbeed ayaa waxa ka bilowday soo xulista Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Koonfur galbeed.

Maalintii shalay Baydhaba waxa gaaray Wasiirka Arimaha Gudaha iyo fedaraalka ee Xukuumada Muqdisho,waxaana halkaas looga dhawaaqay inuu furanyahay shirka lagu soo xulayo Baarlamaanka muda dheer la sugayey howshiisa.

Sida muuqata Beelaha Biima,Digil iyo Mirifle iyo Beelaha kale ee la dega ayaa xusul duub ugu jira in sida loogu talagay ergadooda ay u qaybsadaan oo aan laga fargelin howlahooda.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu Xusul duub ugu jiro sidii loo siin lahaa ku dhawaad 12 xubnood oo ka mid ah tirada Xillibaanada si uu ugu qanciyo Beelo aan u dhalan Gobolada seddaxda ah ee laysku yiraahdo Koonfur galbeed.

Waxaa sidoo kale jira qab qablayaal bilaabay in durbaba ay ka qayliyaan warbaahinta ay u adeegsadaan colaada iyo fidna abuurisa iyagoo ka sheegaya in saamigii ay lahaayeen aanu u muuqan in laga siin doono xubnaha Baarlamaanka ee lasoo dhisayo.

Wararka ka imaanaya Baydhaba ayaa sheegaya in beelaha seddaxdani gobol ay isku mowqif ka noqdeen inay halmeel uga soo wada jeestaan damaca waalan ee shariif uu ku doonayo inuu ugu dalaaleeyo kooxo aan u dhalan deegaanka oo hankoodu yahay ku qabso ku qadi meyside.

Mudada la sugayo in lasoo dhameystiro howlaha dhisida Maamulka ayaa ah ilaa mudo 30 maalmood oo ah oo ay ku kala cadaan doonto fulinta heshiiska Shariif ee uu la galay Beelaha ku bahoobay Mudulood iyo sida uu u dhaboobo go’aanka odayaasha dhaqanka ee hada ku howlan dhismaha Baarlamaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran