Kooxo Hubeysan oo Weerar ku Qaaday Qunsuliyada Mareekanka ee Istanbuul (Sawiro)

Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday qunsuliyada Mreekanka uu ku leeyahay Magaalada Istanbuul ee Wadanka Turkiga.

Weerarka oo loo adeegsaday abmbaano ayaa ka dambeeyey kooxo hubeysan oo aan heebtooda la garanayn kuwaas oo bambaanooyin iyo rasaas ku tuuray dhismaha qunsuliyada.

kooxda weerarka qaaday oo ay ku jirtay hawweney ayaa la sheegay inay ka baxsadeen hoobtii ay weerarka ku qaadeen.

sidoo kale waxa jira weerar lagu qaaday xarxaafada Sultanbeyli ee duleedka magaalada Istanbuul.

Qaraxan Bambaano ee lagu weeraray xarunta booliiska waxaa ku dhaawacmay 7-qof oo shan kamid ah ay yihiin Ciidamada booliiska iyo labo qof oo shacab ah,waxaa sidoo kale qaraxa bambaano ka dhashay qasaaro kale sida bur bur.

Inkastoo aanay jirin cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa hadana waxa la tuhunsanyahay inay ka dambeeyaan kooxha ku kacsan Dowlada Turkiga oo wajaheysa weeraro ka dhan ah Daacish iyo Ururka BKK.

1 2 3 4

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran