Madaxda Igad oo Maanta Kulan Ka yeelanaya Xaaladaha Soomaaliya iyo South Sudan

Madaxda Urur Goboleedka Igad ayaa maanta kulan ku ka yeelanya xaaladaha Soomaaliya iyo South Sudan oo ay ka jiraan mashaakilaad dagaal.

Madaxda ayaa intooda badan hada ku sugan Magaalada Kambaala ee Xarunta Wadanka Uganda halkaas oo lagu wado inuu maanta uga furmo kulanka oo noqon doono mid albaabada u xiranyahay.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegay inay Madaxweynayaasha dalalka Uganda, Yoweeri Museveni, Kenya, Uhuru Kenyatta, Sudan, Jeneral Omar Hassan Ahmed Albashiir iyo Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn maanta yeelan doonaan Kulan Khaas ah oo albaabadda u xiran.

Hailemariam Desalegn R/wasaaraha Ethopia ayaa kulanka maanta shir gudoomin doona kaas oo diirada lagu saari doono howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, la dagaalanka Alshabaab iyo hirgelintii heshiiskii nabadeed ee South Sudan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE