Nin Soomaali ah Oo Lagu Dilay Dalka Canada

Nin Soomaali ah oo heysta dhalashada Dalkaasi Canada ayaa lagu dilay Magaalada Toronto ee isla canada.

Boliiska Canada ayaa baahiyey sawirka Ninka la dilay oo lagu magacaabo Kaabil C/qaadir kaas oo dilkiisa uu ku dhacay Marriott islamarkaana u dhow isgoyska Bay iyo Dundas.

Sarkaal ka tirsan Boliika Canada ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sidii loo ogaan lahaa cida ka dambeysa Dilka ninkan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE