Rabshado ay Dad Ku dhinteen Oo ka Dhacay Magaalada Hargeysa.

Hal ruux ayaa ku geeriyooday afar kalana way ku dhaawacantay rabshado xalay ka dhacay magaalada Hargeysa, ka dib markii shacab u badan dhalanyaro oo dhagxaantuurayey rasaas ay ku fureen Ciidamada Boliiska Soomaaliland.

Rabshadaha ayaa la xiriira muran dhuleed waxaana dhalanyarada ay ka cabanayeen aabihii qoyska oo la xiray.

Boliiska ayaa soo gaaray goobta ay ka socdeen rabshadaha, markii halkaasi ay soo gaareena waxa lagu tuurey dhagxaan, Boliiska ayaa ku jawaabay rasaas ay ku fureen kuwii mudaaharaadayey, dadka dhaawacmay iyo halka ruux oo wiil 11 jir ahaa ayaa kasoo jeeda hal qoys.

Goobjoogayaal ku sugan Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidamada Boliiska ay dad u xireen rabshadihii xalay dhacay.

Weli wax war ah kama soo bixin laamaha amaanka ee Hargeysa, wiilka ku dhaawacmay rasaasta ayaa waxa la dhigay Isbitaalka Hargeysa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE