Shariif Xasan Oo Booqasho ku Tagi Doona Degmada Bardaale ee Gobolka Baay

Wararka ka imaanaya Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Maanta Degmadaasi uu tagi doono Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hugaaminayo.

Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ayaa laga dareemayaa Bardaale oo ka mid ahayd meelihii ugu dambeeyey ee laga fara maroojiyey Dagaalyahaanada shabaab.

Safarka Madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa inuu ku qotomo u kuur galida xaaladaha halkaasi ka jira iyo la tashi uu la sameen doono qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed socdaalo kooban ku tagay Degmooyin ka tirsan Seddaxda Gobol ee Maamulkiisa ka tirsan hase ahaatee safarada uu ku tagaayo degmooyin ayaan noqon kuwo wax isbedel ah aan ka geysan xaaladaha ay dadka ku nool yihiin

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE