Soomaali lagu tuhmayo Shabaabnimo oo Lagu Maxkamadeeyey Magaalada Nayrobi

Seddax qof oo aslkooda yahay Soomaali oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Alshabaab ayaa maxkamad lagu soo taagay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Seddaxdan qof oo midkooda tahay Haweeney ayaa laga soo qabtay Gobolka Xeebta ah ee Waqooyi Bari dalka Kenya, waxaana la rumeesanyahay inay maleegayeen weeraro ka dhan ah amaanka Kenya.

Shakhsiyaadkan ayaa lagu kala magacaaba Xabiibo C/hi Guuleed oo Soomaali Candian ah,  Jamaal Cali oo loo yaqaan Kamau iyo Bashir Mohamed Ali.

Wilbrioda Juma oo ah Madaxa Garsoorka ee Maxkamadda Degmadda Narok ayaa amray in shakhsiyaadkan lagu sii haayo xabsiga ilaa bartamaha Bisha Augosto xilligaas oo la dhegeysan doono dacwada loo heysto.

Garyqaan u doodaya seddax qof  oo lagu magacaabo Daniel Ombati ayaa maxkamada ka codsaday in lagu sii daayo damiin lacageed si ay ugu dhibaatoonin xarigooda.

Dacwad oogayaasha Kenya ayaa Garsooraha maxkamada ku wargeliyey in aan lasii deyn karin shakhisyaadkan ilaa laga soo cadeynayo sax ahaanshaha ducumentigaada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran