Afahayeenka Ciidanka Deegaanka “Hanala Soo Gaaro iyo Hadalada lagu Awr Kacsado Mooryaanta iyo Calaacal aan laga waantoobin”

“Heshiiska markuu dhacay ilaa waqtigan waxay dileen 12 qof, maalintaas ilaa hada dad ayey dilayeen oo magaalada ay ku dileen oo jidka ay ku dileen, oo beeraha dhexdooda ay ku dileen oo hada socota” Waan garanay kuwa laga cabanayo tira badaa.

“Dagaalkaas dagaal qabiil maahan waxa soo gashay puntland iyo Somaliland mediaha ayuu warkoodu ku jiraa iyagoo qabiilka Dir la yiraah u hadlaya, heshiisyadii dhan oo la qabtay iyagaa ku xadgudbay (Biimaal)” Maxaa kaloo kuu haray.

“Anaga waxaan nahay Beesha habar gidir, waxa aan dooneynaa waxay tahay inaan gaarsiino dadkeena meel kastoo ay joogaan Gobolada,Muqdisho, dibada jira warkeena inaan gaarsiino dagaalkaas inuu dagaal isbaheysi yahay oo Beesha direed ah, marka koowaad uu yahay, Somaliland marka labaad uu yahay, puntland, jubaland iyo dowlado shisheeye oo anaga aan wajihi Karin, haduu baarlamaan yahay, haduu sheikh yahay (wadaad xume), baarlamaan haduu ku jiro iyo haduu dhalanyaro yahay anaga Habar gidir hadaan nahay gurmad ayaan ugu baahannahay” waa hadalada Awr kacsiga ah ee kasoo yeeraya Beesha Habar gidir.

Warbaahin u heelan gudbin been abuurka iyo hurinta colaada ayaa ku mashquulsan hadaladan iyo kuwa la mid ka ah inay ku mashquuliyaan dhegeystayaal u mooda inay ku socdaan wadadii saxda ahayd ee warbaahinta.

Marar badan ayaan aqristaysaasheena uso gudbinay cadeymaha aan u hayno cida jabisay heshiis ku sheegii afgooye iyo qaabka loo maray jabintiisa.

Kufsi gaaraya ilaa 8 gabdho oo qaarkood aan guur soo marin iyo kuwa marwo ah ayaa lagu kufsaday inta u dhaxeysa Buslay ilaa Deegaanka sagaaroole iyo Danada waxaan haynaa magacyadooda iyo taariikhda la kufsaday Mooryaan hoostagta kaaba Mooryaan Cabdul ayaana kufsiga ka dambeysay.

Inta heshiis ku sheegaas uu socday 11 ruux oo aan haayno magacyadoooda, taariikhda la dilay iyo meesha lagu dilay ayaa ku jira diiwaanka dadka deegaanka.

Dadka deegaanka inta laga barakiciyey dhulkood,guryihii la gubay ayaa looga daba tagay deexda weliba laga duugay Ceelasha biyaha, ma jirin cid loo qayla dhaamiyo ama loo sheego haday dowlad tahay ama Maamul bal iyagaa wax ka ogaa dhibaatadaas Umada lagu haayey mana jirin cid maalin ka damqatay marka laga reebo deegaanka oo markale isku tashtay soona celiyey inta badan dhulkii laga saaray walow halganka uu halkiisi yahay.

Waxaan usoo joognay Gabar ku Umushay geed hoostiisa iyadoo 3 Habeen iyo 3 Maalin foolaneysay hadana Cunugii Alla siiyey Biyo lagu anqariyo la waayey, yaa deegaankan dhibaatadaas iyo kuwa la midka ah biday? ma duulaan garadara ah ayey qaadeen mise deyrkii Makka intay gubeen ayaa laga jaasinayey. waa hal dhacdo oo tusaale ah inkastoo aan heli karno boqolaal diiwaanka ku jira.

Waa su’aalaha ugu badan oo aan weydiino kuwa hada qaylinaya qaarkood oo marka aan taleefan gareyno jawaabta su’aasha ka dhigaya inay taleefanka nagu damiyaan.

Mar Hawiye loo qayla dhaamiyo, mar Maamul been abuur lagu soo dagaal galo iyo la dagaalanka shabaab oo loo soo hub qaato ayaa deegaanka lagu soo weerari jiray, markan waxaa mar marsiyo loo raadinayaa duulaano iyo weeraro hor leh oo aan umuuqan awoodiisa iyo meesha laga bilaabi karo.

Xillibaan C/hi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ka mid ahaa wafdi dhamaadkii sanadkii 2013ka socdaal kusoo gaaray Nambar 50 halkaas oo laba maalin ka hor socdaalkooda duulaano ay kusoo qaadeen Goobaale iyo Qaafow, Xillibaanka ayaa yiri “hadii deegaanka shabaab ayaa jooga lagu soo weerari jiray waa dhamaaday hamigaas, hada anaga ayaa joogna ee waxan leeyahay wax kale oo aad kusoo weerar gashaan soo diyaarsada”.

Markan in lagu soo weerar tago shabaab ayaan la dagaalameynaa waa gudubtay, Maamul ayaan nahay waa gudubtay, Calanka Soomaaliland ayaa ka taagan Nambar 50 layskala tag hada waxay joogtaa Maamulo iyo dowlado shisheeye ayaa dagaalka Dir ay wado horkacaya iyo mar marsiino kale.

Hadaad Mooryaan iyo qaab laawe u qayla dhaansateen oo aad leedihiin nooga soo gurmada duulaanka aan qaadeyno anaga waxaan leenahay “Allaahu Mowlaanaa Walaa Mowlaa lakum”.

Afahayeenka Ciidanka Deegaanka Col Maxamed Ookar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran