Dagaalyahaanada Shabaab oo Weerar Culus Ku qaaday Kismaayo

Dagaalyahaano ka tirsan Shabaab ayaa xalay weerar culus waxa ay ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo halkaas oo fariisin ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom gaar ahaan faraca Kenya.

Weerarka ayaa ku bilowday Madaafiic lagu garaacay fariisinka ciidamada kenya ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha, ka dibna waxaa xigay Dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac ay isweedaarsadeen.

Dagaalka oo laysku adeegsanayey hubka culculus ayaa laga maqalayey Magaalada Gudaheed, waxaana jira madaafiic ku dhacday Gudaha Garoonka walow aan la ogeyn waxyeelada ay geysatay.

Ciidamada Kenyaatiga ee halkaasi fariinka ku leh ayaa ku jawaabay dhankooda hub culus oo ay ku tuurayeen shabaabka weerarka soo qaaday.

Weli ma cada khasaaraha halkaasi ka dhashay, Dagaalyahaanada shabaab ayaa weeraro ku haaya xarumaha Muhiimka ah ee Jubbooyinka ay kaga suganyihiin Ciidamada Amisom.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran