Maamulka Magaalada Marka iyo Hay’ad beeleedka Tubta Nabada oo Ku Heshiiyey In La Sameeyo Gudiga Badbaadada iyo….

Ka Dib Siminaar Soconayey Mudo Seddax Maalmood ah oo loo qabtay Maamulka Cusub ee Magaalada Marka iyo Odayaal kasoo kala jeeda Beelaha Biimaal iyo Habar Gidir oo uu soo qaban qaabiyey Nin lagu Magacaabo Shirwac ayaa laysku raacay in la sameeyo Gudi loogu magac daray xalinta khilaafaadka iyo Badbaadinta Mooryaanta Habar gidr.

Shirwac oo madax u ah Hay’ad beeleed ku qaraabata magaca dib u heshiisiin oo la magac baxday Tubta Nabada ayaa soo jeediyey in loo baahanyahay gudi ka kaaoban 21 xubnood si ay u badbaadiyaan Mooryaanta haraadiga ku ah Shabeelada hoose.

Odayaasha Habar gidir oo fursad u arka inay ka dhex muuqdaan gudiga ayaa shirwac ku raacay argtida uusoo jeediyey, halka odayaasha Biimaal loogu baaqay iyo Maamulkooda inay taageeraan aragtida ah gudiga xalinta khilaafaadka oo ka dhex shaqeen doona isku soo dhaweynta Biimaal iyo Habar gidir oo mar hore kala irdhoobay.

Dhismaha gudiga ayaa ka dambeeyey ka dib markii Shirwac uu qiimeeyey xaalada ay ku sugantahay beeshiisa iyo dagaalka ku wajahan isagoo markaan door kale ka qaadanaya badbaadinta Mooryaanta gumaadka ka wada shabeelada hoose.

Waxaa horey u fashilmay isku dayo badan oo ay sameysay hay’adan, waxa laga xusi karaa shirar ku sheeg ay ku qabatay Muqdisho islamarkaana laysugu keenay Odayaal kala matalayey Biimaal iyo Habar gidir oo ugu dambeyn fashilmay isku dayada Tubta nabad (tubta qaloocinta fikradaha).

Tubta nabada ayaa sidoo kale lagu xasuustaa doorkii ay ku lahayd in Ciidamada Beesha Biimaal fariisin looga dhigo deegaan lagu magacaabo Buur fuule oo duleedka ka ah Namabar 50 halka Maleeshiyada Habar gidirna fariisin looga dhigo Beer ay xooga ku haystaan oo ku taala meel koonfurta ka ah Deegaanka Buushka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE