Nin Daldalaad Isku Dilay Muqdishu Kadib Markii Maamulka G/Banaadir Ka Burburiyey Goob Uu …

Wararka ka imaanayo degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegayo in qof ka mid ah dadka deegaankaasi uu is merjiyey kadibna sidaas ku geeriyooday.

Sababta uu qofkan isku dilay ayaa la sheegay inay timid kadib markii Maamulka degmada Yaaqshiid uu si cadaalad darro ah ku burburiyey goob uu marxuumka ku ganacsanaayey.

Warar kale ayaa sheegaayo in marxuumka naftiisa haligay uu ka mid ahaa dad deganaa goobo sharci darro ah isla markaasina markii la burburiyeyy rugtiisii uu khalal ku yimid maskaxdiisa taas oo ugu dambeyn sababtay inuu is daldalo.

Diinteenna Islaamka ayaan sinna u ogoleyn in qofka Muslimka ah uu naftiisa halis geliyo balse waayahaan dambe waxaa caado ka noqotay Soomaaliya in qofka is daldalo ama merjis uu isku dilo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran