Dilal Ka Dhacay Saacadii Ugu Dambeeyey Degmada Marka Iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Qarxo Gudaha Degmada..

Degmada Marka iyo deegaano ku hareereysan ayaa waxaa saacadihii la dhaafay ka dhacay Dilal siyaabo kala duwan loogu geystay dad shacab ah.

Dilka ugu horeeyey ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Shalambood halkaas oo mooryaan Habargidir ah ay ku dileen qof shacab ah oo dadka deegaanka ka tirsanaa iyadoo dilkaas kadib ciidamada deegaanka ee ku sugan duleedka Shalabood ay dileen mid ka mid ah mooryaanta Habargidir  oo Qaadka uga keeni jiray dhanka magaalada Muqdishu.

Sidoo kale waxaa gudaha magaalada Marka shaley galab mooryaanta Habargidir ku dileen howlwadeen ka tirsanaa shaqaalaha isbitaalka degmada Marka iyadoo maleeshiyaadka Habargidir ay dhaawac u geysteen hal ruux oo dadka deegaanka ka tirsan.

Shaley ilaa maanta waxaa kacsan xaaladda ammaan ee magaalada Marka, waxaa xiran goobihii ganacsiga, waxaana laga cabsi qabaa in ciidamada deegaanka ee ku sugan gudaha degmada Marka ay dagaal ku qaadaan goobaha mooryaanta Habargidir ay kaga sugan yihiin isla markaasina dadka ay ku dhibaateynayaan.

Wixii warar ee ku saabsan xaaladda degmada Marka iyo deegaanada ku hareereysan kala soco wararkeena dambe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE