Fariin Ku Socoto Gudoomiyaha Cusub Ee Degmada Marka Mudane Xasan Cumareey

Halkan waxaan ku soo gudbinayaa fariin aad u diraayo gudoomiyaha  cusub ee degmada Mara loo soo magacaabay. Fariinta aan u diraayo Gudoomyiha cusub ee degmada Markacadey waxay ku kooban tahay qodobada soo socdo:

1- Mudane gudoomiye, Waxaad tahay gudoomiyihii 3-aad ee loo magacaabo xilka gudoomiyaha degmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose muddo ka yar sadex(3) sano. Raggii kaa horeeyey waa la bedelay iyadoon lagala tashan dadkii ay matalaayeen, waxaa la bedelay markii ay ka hor yimaadeen shirqool uu soo maleegay cadowga beesha Biimaal ee Sh/hoose.

2- Waxaad ogaaneysaa in Dhammaan gudoomiyeyaashii kaaga horeysay xilkan inay ka shaqeyn waayeen mooryaanta Habargidir ee 20-kii sano ee la soo dhaafay dhibaato ku haysay shacabka aad ka  dhalatay ee beesha Biimaal kuna dhaqan degmada Marka iyo guud ahaan gobolka Sh/hoose.

3-Sidoo kale waxaad ogaaneysaa in gudoomiyeyaashii hortaada loo soo magacaabay degmada Marka  soo jeedinteeda ay iska lahaayeen mooryaanta Habargidir iyagoo qolooyin kala duwan u kaashanaayey arintaasi sida haddaba adiga ay kuugu ololeeyeen in laguu magacaabo, yacni adiga ayaa maanta u macaanaaday berrina adiga oo ku xareeraaday waa mid la sugaayo goortii ay noqotaba.

4- Maadaama Beesha aad ka dhalatay ee Biimaal iyadoo la adeegsanaayo magac dowlad iyo Hawiye loo geystay tacaddiyo waaweyn oo aan la hilmaami karin, waxaan marnaba aysan ku qanceynin beeshan in xuquuqdeeda iyo deegaanadeeda ka maqnaadaan gacanta wiilashooda oo ay sii haystaan mooryaan ka soo haajirtay gobolada dhexe. Tacaddiyada aan la hilmaami karin waxaa ka mid ah- Dad nolol iyo geeri aan lagu haaynin oo Habargidir ku maqan (Madaxdii iyo shaqaalihii hay’adda WFL oo lagu afduubtay deegaanka Ceelasha Biyaha 2008-dii) , Odeyaal dhaqameed la xasuuqay (Odeyaashii Biimaal ee Habargidir ay ku dishay Tuulada Jameeco oo u dhexeyso B/Hakaba iyo Daafeet), Wadaadadii lagu xasuuqay Masjid ku yaallo deegaanka Muuri iyo tacaddiyo badan oo naf iyo maalba leh.

Qolada la magac baxday “Tubta Toosan” ee Seminaarada idinku siineysay maalmahaan Muqdishu waa xaruntii Muxuddiin Xasan Afrax oo sanadkii hore xili bil Ramadaan ah lagu jiro barakiciyey shacabka beesha Biimaal ee magaalada Marka iyo hareeraheeda deggan guryahoodana gubay isagoo markaas sheeganaayey Shabelle State. Haddaba, Ma Shabelle State oo sidaas noo galay ayaan wanaag ka sugeynaa?

Mudane gudoomiye  Xasan Cumareey ha iska dhigin qof isla daajin karo Dhurwaa (mooryaanta Habargidir) iyo Riyo(dad shacab ah), ma laga yaabo in hadda kadib nin Habargidir ah oo Qori wato uu dhex socdo deegaanaada iyo shacabka beesha Biimaal, dadkeena  dulqaadka waa ka dhamaaday.

Ugu dambeyn, haddii aad tahay nin caqli badan waxaad ka qiyaas qaadan kartaa gudoomiyeyaashii horey loo bedelay iyadoo aan waxba laga bedelin maamulka Sh/hoose heer gobol, waxaan kugula dardaarmaa inaad dadkaaga jihada ay u socdaan u socoto oo dhalinyarada ciidanka ah aad walaalsato oo aysan kuu arkin nin cadow la socdo, beesha Biimaal waxay mareysaa meel aan laga soo noqon doonin mana jiri doonto in markale dadkeena lagu gumaado magac dowladeed.

 

W/Q: Cabdiqaadir Ciise

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE