Madaxweyne Xasan Culusow “Mooshin Iyo Isqabqabsi Uma Haysano Waqti Nagu Filan…”

Madaxweynaha Somalia Xassan Culusow ayaa dhibsday mooshinka xil ka qaadista ee ay ka keeneen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka.

Shir Jaraa’id oo uu shaley galab ku qabtay Villa Somalia  ayuu ku sheegay in waqtigaan munaasab ahayn in mooshin laga keeno, isagoo ku tilmaamay mid dib-u-dhac ku ah dalka iyo qorsheyaasha Dowladda.

‘’Baarlamaanka iyo laamaha kale ee dastuuriga waxay qabteen hawlo badan oo la taaban karo, guulaha la gaareyna waxaa sal u ah wadajirka iyo wadashaqeynta hay’adahaasi, Waqtiga inoo harey aad buu u kooban yahay, waxaana baarlamanka iyo xukuumadda horyaalla hawlo muhiim u ah meel marinta Hiigsiga 2016, Waqtigaasi yar ee aan haysano kuma filna inaan isqabqabsi iyo waxyaabo aan dan u ahayn shacabka ku mashquulno’’, ayuu yiri Madaxweyne Garguurte.

Isagoo weerar afka ah ku qaadayey xildhibaanda Mooshinka horboodayo wuxuu yiri “‘Waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in aysan ku kadsoomin mooshinka ay wadaan xubno yar oo taariikhdooda siyaasadeed lawada yaqaano, Dowlada Soomaalya horey ayey usocotaa weyna guuleesaneysa”.

Madaxweyne Xasan Culusow ayaa horey Mooshino badan u soo maleegay Ra’iisulwasaareyaal horey ula soo shaqeeyey isaga, balse markaan wuxuu dhadhaminayaa xanuunka uu leeyahay Mooshinada xildhibaanada Baarlamaanka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE