Gabar u shaqeyn jirtay Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu dilay degmada Wadajir

Maanta ayaa rag hubaysan waxay  Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, ku dileen Gabar dhalinyaro ah, xilli ay ku socotay goobteeda shaqada.

Waxay dableydaan  ku dileen gabartan dhalin yarada ahayd degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaga oo la dhacay dhowr xabo oo rasaas taas  ay ugu danbeyntii u dhimatay.

Gabartaan ayaa lagu magacaabi jiray Raxma Maxamed Cabdulqadir oo la sheegay inay ka mid aheyd shaqaalaha Baarlamaanka Somalia kuwooda ugu fir fircoon waxayna maant ay sababsatay gacan ka gardaran.

Dableydi ka danbeysay dilka Raxma Maxamed ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka geysteen,Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia ayaa soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay, waxaana meesha ay ka qaadeen meydka Gabadhaasi dhalinyarada aheyd ee sida xaqdarada ah loo dilay.

Maalmahan degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinleey ayaa waxa ay noqdeen goobaha lagu beegsado Shaqaalaha Dowladda Federaalka Somalia.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran