Xaalada Magaalada Marka oo Kasii Dareysa iyo Ficilada Mooryaanta oo Sii Xumaanaya

Xaalada Magaalada Marka oo in muda ah ahayd meel ay ragaadiyeen colaado iyo dhibaatooyin ay la maageen dhagar qabayaal uma udiiday inay si nabad gelya ah ku noolaadan ayaa waxa kusoo kordahay dhibaatooyinkaas oo u muuqda kuwo xargaha goostay oo weliba gaaray meel aan waxba looga qaban karin.

Sedaxdii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa magaalada waxa lasoo dersaday hanjabaado iyo barakicin lagu haayo dadka ku ganacsada Suuqa Magaalada Marka oo laba arin midkood loo loosoo nadhigay inay qoru qaataan oo ay ku biiraan wiilashooda ama ay isaga tagaan ganacsiga ay marka ku heysteen.

Waxaa jiray dad kala duwna oo lagu weeraray goobaha ganacsiga iyo Culimo Masaajoda loogu galay  oo loo caga jugleeyey.

Qalqalka Mooryaanta ay ka wado Magaalada Marka ayaa dadka waxay u fasirteen siyaabooyin kala duwan, waxaana si dirqi ah kaga baxsaday dad shacab ahaa oo intay gaari kala dageen cagahooda ku baxsaday.

Markaad u eegto ganacsiga gaar ahaan Caanaha iyo adeegyada kale ee ka imaan jiray Duleedyada Magaalada ayaa Mliintii afaraad aan soo galin magaalada ka dib markii dadkii keeni jiray ay u baqeen naftooda.

Mooryaanta ayaa caan ku ah ugaarsiga dadka sacabka ah oo aan waxba galabsan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran