Shaqaalaha Isbitaalka Marka oo Shaqa Joojin ku Dhawaaqay Ka dib Dilkii Dr Xuseen Fanaay

Shaqaalaha Isbitaalka Guud ee Magaalada Marka ayaa ku dhawaaqay shaqa joojin ka dib markii ay soo bateen dilalka iyo shirqoolada Maleeshiyada Swiss Kalmo.

Shaqaalaha ayaa ku andacoonaya inay ku shaqeen karin xaalada hada uu ku suganyahay isbitaalka, xilli ay indhaha iska tirayeen duruufo kala duwan oo jiray weliba ay ku samrayeen.

Kulan khaas ah oo Maalintii shalay ka dhacay Xaafada Beyturaas islamarkaana loogu baroordiiqayey Allah U Naxriistee Dr Xuseen Fanaay ayaa shaqaalaha ku go’aansadeen inay shaqo joojin sameemeeyaan maadaama nafsadooda ay halis badan ku jirto.

Waxay isku raaceen Isbitaalka oo horeyba u ahaa Goob xoog lagu maamulo islamarkaana aanu ka jirin nidaam rasmi ah ayaa ugu dambeyn kulankooda isku raacay inay shaqada jooijiyaan.

Waxaa horey u jiray caga jugleen iyo handadaad lagu haayey shaqaalaha oo lagu amrayey Mooryaanta Isbitaalka haysta inay albaabka ka celiyaan shakhsiga loo arko inuu caqabad ku yahay howlaha Kaaba Mooryaanta Swiss Kalmo iyadoona caga jugleentaas uu ku baxay Calooshiisa u shaqaystihii Mooryaanat u adeegi jiray ee C/hi Gerweyne.

Maalintii Khamiista ee aan kasoo gudubnay ayaa Isbitaalka guud ee Marka hortiisa waxa lagu toogtay Allah u naxriistee Dr Xuseen Fanaay oo ka shaqeenayey qaybta Sheybaarka Isbitaalka.

Hadaba Maxaa loo Dilay Dr-ka.

Dr Xuseen Ibraahin Yarow oo loo yaqaano Xuseen Fanaay ayaa ka mid ahaa shaqaalaha in muda ah ka shaqeenayey Isbitaalka Magaalada Marka ayaa usoo joogay duruufo kala duwan oo shaqaalaha ay ku shaqaanayeen tan iyo markii Isbitaalka ay la wareegtay Hay’adii bur urtay ee Cosv.

Xuseen Fanaay ayaa Usbuuc ka hor isagoo ku sugan gurigiisa xilli ay tahay Maqribkii waxa taleefan ka wacay Mooryaan doonayey in loo daweeyo Moryaano kale oo kusoo dhawacantay dagaal ay la galeen Ciidamada deegaanka oo ka dhacay isla Marka.

Dr Xuseen ayaa ku cudur daartay in waqtigaas aanu shaqa lahayn islamrkaana uu diyaar u ahayn inuu galo afaaro ka dhaxeeya laba qabiil oo dagaal uu  ka dhaxeeyo.

Mooryaanka ayaa ugu hanjabay in aan lagu arki karin Isbitaalka hadii uu yimaadana uu la kulmi doono wax kale.

Xuseen Fanaay ayaa in mud ah ku signaa xaafadiisa isagoo kaaba Mooryaanta Swiss ku wargeliyey waxa loogu hanjbayweliba usii raaciyey in nolishiisa dil loogu hanjabay.

Maalintii khamiista ayaa isagoo ku sugan gurigiisa waxa lasoo xiriiray Kaaba Mooryaanta Swissa Kalmo waxayna ku wargeliyey Dr-ka inuu shaqadiisa tagi karo aanaay jirin cid heysta, taas ayaa dadku u fasirteen shirqool lala maaganaa noloshiisa.

Meel u dhow Isbitaalka ayaa lagu dilay Dr Xuseen Fanaay dhagar qabaha dilay ayaa kasoo raacay dhismaha Cosv ay degeneyd oo xarun u ah Mooryaanta.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran