Nin Lagu Dilay Deegaanka Cabdow Dibile Ee Gobolka Sh.Hoose

Mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka u kala socda Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa maanta lagu dilay duleedka Degmada Afgooye, kadib markii ay tacshiirad huwiyiyeen maleeshiyada dowladda .

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Axmed Jiis oo ka soo jeeda degaanka Shalambood oo ka tirsan G/Sh/Hoose ayaa waxaa dilkiisa yimid kadib markii uu bicin waayay lacag baad ah oo ay weydiisteen maleeshiyada dowladda ee loogu yeero ciidamada Militeriga oo ay isbaaro u taalo Deegaanka Cabdow Dibile.

Marxuumka oo waday gaari siday khudaar, ayaa diiday in uu bixiyo lacagta baada ah, taas oo  keentay in rasaas xoogan ay oodda kaga qaadaan, waxaana haleeshay rasaastii ay ku furayn.

Tani waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo wada-yaasha gawaaridu ay ka qaylo dhaaminayan lacagaha sharci darada ah, ee looga qaado wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Wadayaasha gaadiidleyda waxa kaloo ay sheegeen in haddii Dowladdu si deg deg ah wax kaga qaban jidgooyooyinkaasi, ay shaqo joojin samayn doonaan maalmaha soo socda.

Toddobaadkii hore, ayay ahayd markii nin kirishboy ahaa uu nin askari ihi ku dilay Isgoyska Ex Control Afgooye, markii uu kirishboygu diiday bixinta lacag afar kun oo shilin Somali ahayd, oo askarigu uu ku amray in uu bixiyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE