Deg Deg Hogaanka Ciidanka Deegaanka oo Soo Gaaray Gandaawi

Gudoomiyah Degmada Narmbar 50 ahna hogaanka guud ee Ciidamada deegaanka ayaa goordhow gaaray Deegaanka Gandaawi ee duleedka Degmada Marka.

C/hi Waafow ayaa socdaalkiisa waxa ku wehliya Saraakiisha Ciidamada deegaanka oo ugu horeeyo Taliyahay Ciidamada Col. Maxamed Sheekh Xasan.

Socdaalka Mudane Waafow iyo Saraakiisha ayaan la ogeyn sababta ka dambeysa iyo halka ay ku wajahanyihiin, waxayna kormeer ay kusoo kala bixiyeen difaacyada hore ee ciidamada deegaanka iyo deegaanada horay loo xureeyey.

Safarka u muuqda mid kedis ah ayaa qal qal geliyey deegaanka Shalambood oo ay ku sugnyihiin Maleeshiyada kooxda Dhul boob.

Lama oga inuu meesha ku hakan doono iyo inuu usii gudbi doono meelo kale.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonaa insha allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran