Dhegeyso Ciidamo Kasoo Goostay Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici oo Soo Dhaween Loo Sameeyey

Ciidamadaan ayaa waxay gaarayaan 60 Askari waxaana ay ka tirsan yihiin Ciidamada Militariga soomaaliya qeebtooda Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana Horjooge u ah Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici oo ka mid ah Kaaba Mooryaanta Shabeelada hoose kusoo duushay.

Waxaana ciidamadaan sheegayaan in lagu qasbay in ay laayaan dadka rayid ka ah ee kunool shabeelaha Hoose iyaguna ay ka soo hor jeesteen arimahaas.

Waxaan ay xiriir la soo sameyeen Taliska ciidanka Deegaanka ah ee shabeelaha Hoose iyadoo loo sameeyey soo dhaweyn wanaagsan.

Waxaa inoo suura gashay in aan wareysano qaarkamid ah saraakiisha soo goo satay waxaana ay ka hadlayaan waxa ku qasbay in fariisimahoodii ka soo baxaan waxaana ay ka sheegeynayaan waxa hada ka socda shabeelaha Hoose ay ka xun yihiin.

Dhanka kale waxaan wareysi layeelanay Afhayeenka Ciidanka Madaniga ah ee shabeelaha Hoose Maxamed Ciise waxaana uu sheegayaa in ay soo dhaweyeen Ciidamadaan.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxa isa soo tarayey askarta baxsadka ah ee kasoo baxsaneysa Maleeshiyaadka Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici.

Dhgeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE