Iskuulka Degmada Nambar 50 oo uu ku Socdo Diyaractir (Sawiro)

Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Degmada Nambar 50 oo in muda ah aan wax howl ah lagu qaban ayaa waxa lagu bilaabay dayactir si dib loogu soo celiyo adeegii waxbarasho ee degmada.

Dugsigan ayaa ku xirmay dagaaladii ka dhacay Nambar 50,waxaana hada iska kaashanaya dayactirkiisa Maamulka iyo dadka deegaanka.

Iskuulkan ayaa ka koobnaa qaybo kala duwan sida hoose, dhexe iyo sare, waxaana uu dabooli jiray baahiyaadka waxbarasho ee Degmada iyo inta badan deegaanada hoos yimaada.

Dagaalada sida ba’an uga dhacay qaybo ka mid ah shabeekada hoose ayaa meelaha uu saameenta ku yeeshay waxa ka mid ahaa adeegyada Waxbarasahada.

Maamulka iyo shacabkiisa oo iskaashi sameeyey ayaa ku guuleystay inay soo ceeliyaan qaar ka mid ah adeegyadii deegaanka.

20150810_111012

20150810_111013 20150810_111135 20150810_111139 20150810_111146 20150810_111741 20150810_111744 20150810_111752 20150810_111755 20150810_111757 20150810_114340 20150810_115247 20150810_115249 20150810_115247000 20150810_115249000

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran