Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Shabeelada Hoose oo Ka Cabanaya Kaaba Mooryaanta Afgooye

Qaar ka mid Xubnaha sida magac u yaalka u haaya xilalka Maamulka Gobolka shabeelada hoose ayaa ka cabanaya musuq maasuq xoogan oo ay ku heshiiyeen Kaaba Mooryaan taabsaday xilal been abuur ah oo ay sheegtaan iyo Maamulka Koonfur galbeed.

Mas’uuliyiintan ayaa ka cabanaya siday sheegeen dhaqaale urursiga ay ku heshiiyeen Kaaba Mooryaanta oo horey ugu tirsanaa Shabel state hadana ku jira Maamulka Shabeelad hoose.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa Maamlin walba 40, Milyan oo shilin somaali ah u qorsheeyey in la siiyo Maamulka Gobolka shabeelad hoose, lacagahaas oo qayb ka ah tan laga qaado isbaarada Baar ismaaciil ee taala Degmada Afgooye.

Lacagta loo qoondeeyey Maamulka ayaa ku dhacda gacanta nin lagu magacaabay Qooley oo ka tirsanaa Maamulkii fashilmay ee Shabelle state iyo Shakhsiyaad kale, waxaana lasoo sheegayaa in lagu fangareeyo dagaalada gardarada ah ee sida dhulballaarsiga ah uga socda shabeelad hoose.

War aan helnaya ayaa sheegaya in xubnaha ku wada jira Maamulka Gobolka shabeelada hoose ee isgu jira kuwo xilalkooda si magac u yaal ah u haaya oo aan talo iyo shaqo midna aan ku lahayn howlaha gobolka shabeelada hoose iyo kuwo jagooyinka ay hayaan taabsaday ayaa isku maandhaafay dhaqaalaha deegaanka Buulo Mareer oo isagana qayb ka ah dhaqaalaha lagu fangareeyo dagaalada shabeelada hoose.

Mas’uuliyiinta cabashada muujiyey o aan ka gaabsanay inaan soo gudbino magacyadooda ayaa xubnaha taabsaday jagooyinka ku eedeeyey inay lasoo baxeen falal xishood dara ah oo aynaan ku dhaqmin shakhsi mas’uuliyad sheeganaya.

Waxaan dhawaan soo gudbin doonaa hadii alla awooda lihi laga helo Magacyada shakhsiyaadka ku lugta leh Musuqmaasuqan iyo doorka Madaxweyne Shariif Xasan uu ku leeyahay dhaqaalaha kasoo xarooda Isbaarooyinka ay maamulaan Kaaba Mooryaanat.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran